Akhriso: Magacyada qaar ka mid ah xubnaha Aqalka Hoose ee Garoowe lagu doortay iyo Beelaha ay kasoo jeedaan+Sawirro

Iyadoo maanta Magaalada Garoowe ay si Rasmi ah uga Bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Dowlada Cusub kuwaasi oo Puntland u Matali doona.

Ilaa iyo Hada waxaa la doortay ilaa Lix Mudane Baarlamaan waxaana weli socda Wejiga 1-aad ee Doorashada Xildhibaanada Iyadoona loo qorsheeyay in wejiga 1-aad lagu doorto 12 Xildhibaan.

Halkaan Hoose ka Aqriso Magacyada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Cusub

  • Cali Yuusuf Cali Xoosh (Cali Gaab) Beesha Ciise Maxamuud
  • Cilmi Cumar Caynsane: Beesha Ma-dhibaan
  • Maxamed Xayir Ibraahim: Beesha Cali Saleebaan
  • Siciid Daahir: Beesha Ogaaslabe
  • Axmed Ismaaciil Maxamuud: Beesha Warsangali, gaar ahaana Bahmajeerteen
  • Cumar Ismaaciil Waaberi :  Beesha Dashiishe

Doorashada oo ilaa iyo hadda socota ayaa xubnaha maanta tartamaya waxaa ka mid ah haween, iyadoo wejiga labaadna uu halkiisa kasii socon doono maalmaha soo socda.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirro:

garowe-sax garowe-sax-1 garowe-sax-2 garowe-sax-3 garowe-sax-4 garowe-sax-5 garowe-sax-6 garowe-sax-7 garowe-sax-9 garowe-sax-10 garowe-sax-12