Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Maanta lagu doortay Magaalada Jowhar

Iyadoo wajiga koowaad ee doorashada aqalka Hoose ay  ka socoto  magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle,ayaa  waxaa soo baxaya xildhibaanadii u horeeyay ee ku guuleystay Baarlamaanka Soomaaliya.

Wajiga 1-aad oo loo tartamayo   13 kursi oo aqalka Hoose ah,waxaa ku soo baxay

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono.

Xildhibaan  Faarax Sheekh C/qaadir

Xildhibaan  C/laahi Maxamed Cali (sanbaloolshe) iyo

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed

Tartanka  doorashada Xubnaha dhiman, ayaa weli socda waxaana la filayaa in maanta la doorto tirada  dhiman.