Akhriso: Magacyada Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle

Guddiga farsamada iyo dhismaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xalay saqdii dhexe ay ku dhawaaqeen liiska Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas o xulistooda maalmihii la soo dhaafay ay socotay.

Xildhibaannada lagu dhawaaqay oo tiro ahaan gaaraya ilaa 90 Xubnood, kuwaas oo u badan Dhalinyaro, waxaana soo xulay Odayaasha Dhaqanka ee degaannada Hir-Shabeelle.

Xildhibaannada aya sidoo kale waxaa ay isugu jiraan kuwo horay uga tirsanaa Baarlamaankii koobaad ee Hir-Shabeelle iyo kuwo ku cusub Siyaasadda, kuwaas kasoo dhex-muuqday liiska Xildhibaannada Cuusb.

Ku dhawaaqista liiska Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli weli aan hehsiis buuxa laga gaarin muranka kajira dhanka awood qeybsiga Beelaha ee Madaxda sare ee Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle.