AKHRISO Magacyada Xubnaha Aqalka sare ee Galmudug +SAWIRO

Waxaa goor sii horeeysay oo maanta Magaalada Cadaado  ka dhacday  doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka Galmudug , waxaana xubnahaasi doortay  golaha Wakiilada  maamulka Galmudug.

Tartanka oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxaa ku hardaamayay 19 Musharax kuwaa soo doonayay in ay ka mid noqdaan xildhibaanada Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya,waxaana la doonayay inay soo baxaan 8 xubnood oo aqalka sare ee dowlada ka mid noqonya shalay ayaa magaalada Cadaado lagu doortay 5 xubnood halka maanta golaha wakiilda galmudug ay maanta Sadaxdii Xubnood ee haray .

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo doorta Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug umatalaya Dowlada Soo socota.

Hadaba Akriste hoos ka daalaco Magacyada iyo Sawirada Sideeda Xubnood ee maamulka Galmudug u matali doona xubnaha Aqalka Sare.

Abuukar Axmed Ciise

abuukar

Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer)

dhag-dheer

Yuusuf Geelle Ugaas

geelle

Abshir Axmed Maxamuud ( Bukhaari)

11111

Cabdi Xasan Cawaale( Qeybdiid)

qeybdiid-170x114

Samsam Daahir Maxamuud

sam

Jawaahir Axmed Cilmi.

jawaahir

Cabdiwaxaad Cilmi Goonjeex.

kkkk