Akhriso Qoraal Muhiim ah: Nabigeena Maxamed SCW Maanta Oo Kale Muxuu Yiri? Muxuu Ka Dardaarmay? Maxaa Ka Ooysiiyay Saxaabada?…

Aqriso Qoraal aan ka diyaariyay qudbadii ugu dambeeysay Nabi Maxamed oo aan idin soo koobay…

(walaal sii faafi Qoraalkan, wax la faafiyo waxaa ugu qeer badan Hadalka Nabi Maxamed Scw)… SHARE

• QIIRADII SAXAABADA

– Rasuulka SCW maanta oo kale Carafo, wuxuu isugu yeeray dhammaan umadda reer Makka iyo Saxaabada oo idil, isagoo u sheegay in ay tahay markii ugu dambeeysay oo ay kulmaan.

Saxaabada marka ay hadalka Rasuulka maqleen wey ilmeeyeen, aad ayey u qiiroodeen. Rasuulka ayaana yiri…

“War dadoow i maqla, laga yaabee sanadkaan inuu yahay midka ugu dambeeya ee halkaan aan kuwada kulanno”.

• DHIIGA DADKA OO LA DAADIYO

“dadoow dhiigiina iyo xoolihiina xaaraan ayuu idinka yahay ilaa Alle aad kala kulmeeysaan” ayuu yiri Rasuulka.

Sidoo kale Waxaa alle Quraankiisa uu ku sheegay in Qof muslim ah oo si gardaro dhiigiisa loo daadiyo ay kala qiimo badan tahay adduunka oo dhan.

• AARGUDASHADA IYO RIBADA

Nabigeena Maxamed Scw wuxuu maalintaas yiri “Ribada waa xaaraan, iska ilaaliya, Sidoo kale qofkii qof amaano ka hayya ha u celiyo amaanadiisa”….

Rasuulkeena Maxamed ayaa ka dardaarmay in aargudashada ay tahay wax aan fiicneen.

• DUMARKA

Nabi Maxamed SCW ayaa 1,400 oo sano ka hor wuxuu ka hadlay xuquuqda dumarka. Maalintaas aad ayuu ula dardaarmay raga qaba xaasaska. Wuxuu yiri Sharaf badne…..

“War ragoow dumarkiina Xaq ayey idinku leeyihiin, idinkuna xaq ayaad iyaga ku leedihiin…”

Sidoo kale Rasuulka wuxuu ahaa mid caawiya markasto dumarka. Tusaale ahaan wuxuu soo gali jiray guriga, markuu arko Caa’isha oo dharka dhaqeeysa isagana dharka ayuu qeyb ka wari jiray.

Waala diiday dumarka oo la garaaco ama la aflagaadeeyo.

• CUNSURNIMADA

– Nabigeena Maxamed wuxuu leeyahay “Kiina idinku cabsi badan ayaa alle aktiisa ugu karaamo badan, qof Carab ah kama fadli badna qof ajnabi ah, qof ajnabi ahna kama fadli badna qof carab ah”….

Maantana waxaan aragnaa Wadankeena Soomaaliya in qabiilo qaar la liido, taas oo diinta islaamka aysan ina farin.

• MARTIDA

Rasuulka wuxuu maalintaas yiri “Dadoow qof Marti ah si wanaagsan ula dhaqma xitaa haddii ay yihiin cadow ama qof aan heysan diinta islaamka…”

• MAKKA

– Nabigeena Maxamed SCW wuxuu ku dardaarmay in aan dhibaato la gaarsiin magaaalada Makka iyo guud ahaan Dhulka barakeeysan ee Sacuudi Carabi.

Wuxuu ku dardaarmay in Qof Makka u soo hijrooda aan dhibaato la gaarsiin.

• SALAADDA

– Rasuulka wuxuu aad iyo aad ugu dardaarmay Salaadda, isagoo yiri “SALAADDA, SALAADDA, SALAADDA, War dadoow Salaadda ilaaliya, oo yaan laga tagina, acmaasha ugu wanaagsan waa Salaadda”….

• ALLOW MARQAATI IIGA NOQO

– Rasuulka ayaa Asxaabtiisa weydiiyay “Alle wuxuu idinku keey soo dhiibay soo idinma soo gaarsiin?

Asxaabadii ayaa dhaheen “haa Rasuul Allow”… Kadib Rasuulka ayaa yiri “Allow marqaati iiga noqo, Wax walbo oo umadda aad iigu soo dhiibtay waan gaarsiiyay”…

Maalintaas waxaa ooyay oo qiirooday dhammaan umaddii halkaas isugu timid, waxa ayna ahayd sanadkii ugu dambeeyay ee Rasuulka uu u qudbeeyo saxaaabada. Isla sanadkaan ayuuna xabiibka alle geeriyooday.

Fadlan Alle Dartii u SHARE gareey, Wax la faafiyo hadalka rasuulka ugu wanaagsan.

Allaha inaga dhigo Kuwa qaata Hadalka Rasuulka SCW aamin yaa allah