Warka naga soo soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhaw ay Siyaasiin iskugu jira Ra’iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiiro, kuxigeeno, Xildhibaano & Odayaal dhaqan ayaa goor dhaw ku dhawaaqay go’aan ah in ay ka baxeen Doorashada Soomaaliya.
War qoraal ah oo ay Saxaafada u akhriyeen, Beesha Caalamkana gaarsiiyeen waxay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin go’aamadii ay madashu gaartay shalay oo ku saleysanaa sida ugu wanaagsan ee doorasho looga hirgalin karo Soomaaliya.