Kulan Maanta markale ka dhacay Garoonka Magaalada Galkacyo ayaa waxaa uu dhexmaray
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland Iyadoona Kulankii Maanta lagu soo saaray
Guddi ka kooban 18 Xubnood oo Labada Madaxweyne Min 9 Xubnood ay usoo Magacabaayan
Guddigaas oo dhameystiri doono heshiiskii shalay lagu gaaray Magaalada Galkacyo.
Halkaan Hoose ka Aqriso Guddiga Puntland ay soo Magacowday ee 9ka Xubnood
1: Xasan Maxamed Abgaalow Gudoomiyaha Gobalka Mudug.
2: Maxamed Yaasiin Tumey Duqa magaalada Gaalkacyo.
3: Jen, Muxuyadiin Axmed Muuse Taliyaha La dagaalanka Argagixisada.
4: Col, Cabdul Warsame Cusmaan Taliye oo katirsan ciidamada Difaaca.
5: Cabdi Diiriye (Cabi Qurux) Nabadoon Waxgaradka G/Mudug.
6: Xuseen Gurey Nabadoon Waxgaradka G/Mudug
7: Abdulaahi Aaden Gaas Ganacsade kamid ah Ganacsatada G/Mudug
8: Maxamed Quute Ganacsade kamid ah Ganacsatada G/Mudug
9: Sh Abshir Abdirahmaan Yusuf Wadaad kamid ah Culumada Ahlu Suna Mudug.