Al Shabaab oo sheegtay inay toogasho ka wado maqaaxida Banadir Beach ee Xeebta Liido..

Al Shabaab, ayaa waxay sheegatay weerarka hubeysan ee caawa lagu galay dhismaha maqaaxida Banadir Beach, ee Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.Liido

Qoraal kooban oo Al Shabaab ay soo saartay, laguna baahiyay bogga Idaacadda Andalus oo afkooda lagu hadasha, ayaa lagu sheegay in weerarku uu ku bilowday ismiidaamin.
“Weerarka waxaa lagu daah furay camaliyad istish-haadi ah, kad ibna ciidamo hubeysan ayaa gudaha u galay goob ay ku caweeyeen askar iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Qoraalka, ayaa lagu yiri “Rasaas culus ayaa la soo sheegayaa inay ka dhaceyso gudaha kalaabka, waxayna Mujaahidiinta la wareegeen qaybo ka tirsan Banadir Beach, iyagoo hadda wada toogashada dadka ku jira goobtaas.”
Wasiirka Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa isna xaqiijiyay in dabley ka tirsan Al Shabaab ay weerartay maqaaxida Banadir Beach.
Wasiirka, ayaa Twitterkiisa ku sheegay in Ciidamada NISA ay wadaan hawlgal ay ku soo afjarayaan weerarkaasi.

Xigasho ;universalsomalitv.net