Alshabaab iyo Itoobiye oo Dagaal Culus uu ku dhexmaray Gobolka Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaal Culus oo u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidanka Itoobiya oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa Wabxo iyo Ceelbuur oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay kusii Jeedeen Gobolka Galgaduud iyagoona kasoo baxay Dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa illaa saddex Jeer Jidka u galay Ciidamada Itoobiyaanka ah,mana Cada illaa hadda Khasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobiya ay dileen Mid kamid ah Ciidamada Dowlada Federaalka oo iyaga la socday Maadama ay sheegen in ay ka shakiyeen Waxaana Sidaasi warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Dagmada Ceelbuur ee Gobolka Galagduud.

Ciidanka Itoobiya ayaa ku Jahwareeray Weeraro Isdaba joog ah oo Alshabaab ay Seddex jeer kusoo qaadeen Ciidanka Itoobiya.