Alshabaab oo Deegaaka Kuunya-barow ee Gobolka Sh.hoose kusoo Bandhigtay Askar Ciidamada Dowlada ka tirsan+Sawirro

Al-Shabaab ayaa degaanka Kuunya-barow ee Gobolka Sh.hoose waxa ay ku soo bandhigeen Gaari Cabdi bile ah iyo Laba askari oo la socota kuwaasi oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen Ciidamada Dowlada Federaalka.

Goob  fagaare ah oo ku taala Degaanka Kuunya-barow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu soo bandhigay askartaan iyo gariga ay wateen.

Boqolaal Ruux oo Haweyn iyo caruur u badan ayaa usoo daawasho tagay goobta lagu soo bandhigaayay Ciidamadan la sheegay in Dowlada ay ka soo goosteen.

Ma ahan Markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay soo bandhigaan Ciidamo wata gaadiid oo ay ku sheegen in ay kasoo goosteen Dowlada federaalka ee soomaliya.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

1-1-5 2-1-5 3-1-5 4-1-5 6-1-3 9-1 10-2