Alshabaab oo Digniin Culus u dirtay Shacabka ku Nool Magaalada Muqdisho

Alshabaab ayaa Markii Ugu Horeysay war ka soo saartay Amarkii dhawaan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hogaanka Hey’adda NISA kaasi oo ku aadana in Shacabka Muqdisho ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Dowlada Hoose ee Teesaro Minashiibiyo.

Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raagge ayaa sheegay dadka reer Muqdisho inay uga digayaan qaadashada Kaarkaasi, isaga oo tilmaamay in arintaasi ay digniin ka bixinayaan.

Waxa uu sidoo kale uga digay Bulshada inaysan tagin goobaha lagu bixiyo kaarkaasi, maadaama Shabaab bartilmaameed ay tahay meel kasta oo lagu bixiyo Kaarka Aqoonsiga Dowladda Hoose.

“Waxaan rabaa inaan uga digno dadka Muslimiinta ah nimanka nagu soo duulay ee gaashaan raba inay ka dhigtaan Dadka Muslimiinta ah ee ay ku dhex jiraan kana dhex kaluumeystaan raba in dadka Muslimiinta ah ka feejignaadaan horta awalan meel ay joogaanba in loo dhawaado marka labaad in laga fogaado meelaha ay sheegeen in dadka ay ugu go’ynayaan kaararka iyo waxa lamidka ah.” Ayuu yiri Cali Dheere.

“Waxaa shacabka u sheegeynaa inay ka digtoonaadaan meelaha kaararka aqoonsiga lagu jaro, ujeedooyin laga leeyahay waa kuwo fara badan oo ah mid dhaqaale iyo in xogta dadka muslimiinta u gacan geliyaan gaalada”ayuu yiri Cali Dheere.

“Sababta waxa ay tahay koow dhaqaalihiina ayaa la rabaa in la qaato si aad gaajo ugu dhimataan kadibna dhaqaalihiina kursi iyo Madaxtinimo in lagu raadsado, labo xogtiina in gacanta loo geliyo Ajaanibta oo fara lagaa qaado oo sawir lagaa qaado, taana waa dhibaato la idinla maagan yahay dadka haka feejignaadaan arintaasi waa dhagar loo maleegaayo, Dhaqaalahooda ha xifdiyaan dadka Muslimiinta ah.”

Cali Dheere ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan goobaha ay ka socoto bixinta kaararka aqoonsiga, isagoo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka fogaadaan.

Cali Dheere waxaa uu sidoo kale ka hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho isagoona carabka ku dhuftay in Hotelka uu ka socday shir muhiim ah marka ay Gaariga la beegsanaayeen waxaana uu intaa ku daray in weerarkaas is-miidaaminta lagu dilay afartameeyo ruux, halka dhaawaca uu 70-gaarayo sida uu yiri.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer ku cel celiyay in Shacabka Muqdisho loo baahnyahay in ay qaataan kaarka aqoonsiga iyadoo xetaa Hey’adda NISA ay dadka muqdisho ku qasbaan in kaarka si qasab ah loo qaato taasi oo ku tuseysa danaha gaarka ah ee ay dowlada ka leedhaay kaararka aqoonsiga.