Alshabaab oo la sheegay in 10 Ruux ay ku Xireen Deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Al-shabaab ayaa 10 Qof,waxaa ay ka xir xireen degaanka Luuqjeelow ee Gobolka Hiiraan kadib markii halkaas xalay weerar ay Malleeshiyo beeleed ku qaadeen ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Dadka la xir xiray ayey Xarakada Al-shabaab ku tuhmayaan in ay ka wax ka ogaayeen  Weerarka xalay Malleeshiyada Hubeysan ay ku qaadday degaankaasi.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa degaankaasi oo dhawaan Gowracay Nabaddoon ka mid ah dadka degaanka ay Ciidanka Maamulka Gobolka oo kaashanaya Malleeshiyo beeleed weerarkaasi fuliyeen halkaasina ku dileen Guddoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa degaankaas.

Guddoomiye ku xigeenka AMniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Max’ed Ibrahim Cabdullahi,ayaa sheegay in weerarkaasi xalay ay qaadeen Ciidanka Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Malleeshiyo Beeleed waayadan uu isfahamwaa ka dhaxeeyay Al-shabaab.