Alshabaab oo la Wareegay Dagmada Tiyeeglow kadib markii Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo Saacado yar un kadib la Wareegay Dagmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool Kadib Markii Ciidamada Itoobiya ay Faarujiyeen Xarumhii ay Dagmadaasi ka dagnaayeen.

Alshabaab oo aad moodo in ay Dibada Magaalada ku sugayeen Kabixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Tiyeegloow ayaa Durbadiiba kusoo yaacay Magaalada oo si Rasmi ah gacan ku heynteeda ula wareegay.

Dadka Deegaanka ayaa Cabsi xoogan ka qaba in Alshabaab ay Waxyeelo u geestaan Dadkii Gacan wadaaga la ahaa Ciidamada Itoobiya ee Halkaasi ku sugnaay Maadama Dadka ay Ganacsato isaga jiraan oo Ganacsigooda aysan kala Xadidi karin Cida ay wax ka iibinayaan iyo Cida kalaba .

Sida kol horay dhacdayba Alshabaab Deegaanka Ceelcali ee Gobolka Hiiraan Marka ay la wareegen waxaa la sheegay in ay ku Dileen ilaa 5 Ruux oo isugu jira Ganacsato iyo Odayaal dhaqmeed.

Ciidamada Itoobiya ayaa Hada waxa ay ka baxayaan Qeybo badan oo kamid Gobolada Dalka Maadama Wadankooda ay qalalaaso ka jiraan.