Alshabaab oo Madafiic ku garaacay Xerada Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Halgan ee G.Hiiraan

Xoogaga Shabaab ayaa la soo sheegayaa in saaka aroortii tiro Madaafiic ah ay ku garaaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha waxa ay u sheegeen in ciidamada Shabaabka duleedka Deegaanka Halgan ay ka soo rideen tiro Madaafiic ah oo qaarkood ay ku dhaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya ka soo gaaray Duqeyntaasi lagu garaacay Saldhiga Deegaanka Halgan ay ku leeyihiin.

Madaafiicda Kadib Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhaqaaqay jihadii ay ka soo dhaceen Madaafiicda, waxaana ay halkaasi ka baadigoobayeen Xubnihii Shabaabka ka tirsanaa ee Madaafiicda soo tuuray.

Xaalada Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa degan, ciidamada Itoobiya ayaa duleedka Deegaankaasi waxa ay ka wadaan howlgalo ay ammaanka ku xaqiijinayaan.

Al Shabaab ayaa Warbaahintooda ka sheegay Madaafiicda qaarkood inay ku dhaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Halgan.