Alshabaab oo weerar Culus ku qaaday Deegaan Hoostaga Magaalada Mandere ee Wuqooyi Bari Kenya

Members of al Shabaab, al Qaeda-linked insurgents, ride in a pick-up truck after distributing relief to famine-stricken internally displaced people at Ala Yaasir camp at Km50 outside Somalia's capital Mogadishu, September 3, 2011. More than 800,000 Somalis are refugees, according to U.N. estimates, while up to 1.5 million are displaced within the Horn of Africa country. Picture taken September 3, 2011. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: SOCIETY CIVIL UNREST POLITICS)

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay shalay galinkii dambe ay weerar xoogan ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya oo sugnaa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Fino oo hoostaga Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa la sheegaya in uu sababay khasaaro kala duwan sida ay sheegeen ciidanka dowladda Kenya.

Eric Oronyi  oo ah gudoomiye ku xigeenka Deegaanka  Fiino ee dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in ciidankoodu ay al-Shabaab dib ugu celiyeen gudaha Soomaaliya kadib markii ay soo weerareen deegaanada Fiino iyo Lafeey