Alshabaab oo Xalay Weerar ku qaaday Deegaanka Cadow-dibile ee Duleedka Afgooye

Wararka ayno Saakay ka heleyno Degaanka Cadow-dibile ee Duleedka Degmada Afgooye ayaa waxa ay sheegayan in Xalay ay Halkaasi weerar Culus ku soo qaadeen Xarakada Alshabaab .

Deegaanka ayaa waxaa Fariisin ku leh Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaliya.

Maamulka Afgooye ayaa sheegay in Dagaalka Al-shabaab ay soo qaadeen ay ku dhinteen Saddex Qof oo Shacab ah islamarkaana ay Afduubteen Dad kale oo ku sugnaa Degaanka Cadow-dibile.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlada ay isaga Baxeen Deegaanka Cadow-dibile ee Duleedka Degmada Afgooye inkastoo warkaas aan la hubin.

Xaalada Deegaanka Saakay wey dagantahay waxaana laga dareemaaya in Xalay halkaasi uu dagal ka dhacay Maadamada shacabka ay aad u hadal haayaan Rasaas xoogan oo xalay deegaanka oo dhan laga maqlayay.