Amaanka guud ee dalka Kenya oo si weyn loo adkeeyay iyo Cabsi laga qabo in Xarakada Alshabaab ee weeraro dalkaasi ka geestaan.

General Samson Mwathethe oo ah ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xaduuda ay Soomaaliya la wadaagaan soo dhoobeen ciidamo kale oo dheeraad ah si ay uga hor tagaan weeraro ay dalkaasi ku qaadaan Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab iyo Daacish.

Taliyuha oo warbaahinta kula hadlay gudha dalka Kenya ayaa waxaa uu tibaaxay in si looga hortago weeraro kaga yimaada Daacish iyo Al-Shabab ay ciidamo geeyeen inta u dhaxaysa magaalo xeebeedka Lamu illaa Mandheera halkaasoo lagala soconayo dhaq dhaqaaqyada xaduuda ka jira.

Generalka ayaa tilmaamay in la helay xog sheegaysa in Al-Shabab ama dagaalamayaal ka tirsan faraca Daacish ee Soomaaliya ay abaabulayaan weeraro ay ku qaadaan dalka Kenya gudahiisa taasoo keentay buu yiri in la kordhiyo tirada ciidamada militryga ee magaalooyinka xaduuda Soomaaliya ku yaala ka shaqaynaya.

Hadalka taliyaha Guud ee ciidanka Kenya ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii la soo dhaafay ciidamada amaanka dalka Kenya ay wadeen howlgalo ay ku sheegeen inay ku baacsanayaan rag ka ntirsan Xarakada Alshabaab oo ku dhuumaleysanaya gudaha dalka kenya iyadoo Khamiistii la soo dhaafay dowlda kenya ay cutubyo katirsan Ciidankeeda soo dhoobtay xadka kenya ay la wadaagto Somaaliya ka dib markii dowladu ay sheegaty I ay heleen xogo muujinaya in Alshabaab iyo Daacish ay qorsheynayaan in weerao ay ka geestaan gudaha dalka Kenya.