Amaanka Magaalada Jowhar Oo Aad Loo Adkeeyay Maxaa Maanta ka cusub ?

Waraka Aanu Kaheleeno Caasimada Magaala Jowhar Ayaa Sheegaayo In   Amaanka Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana maanta  lagu wadaa in uu ka dhaco caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.

Ciidamo dheeraad ah oo Muqdisho ka tagay ayaa gaaray Magaalada Jowhar si ay u sugaan Amaanka Magaalada, waxaana wadooyinka waa weyn ee Magaalada Jowhar la soo Buux Dhaafiyay Ciidamo Aad Utiri Badan.

Diyaar Garowga ku aadan caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa ka socota Magaalada Jowhar, waxaana gabi ahaanba si weyn loo adkeeyay Amniga xarunta lagu wado in uu ka dhaco caleemo saarka.

Warar Hoose Aanu .Heleeno Ayaa Sheegaayo In Uu Kaqeyb Galidoono

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madax ka socota Maamulka Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan caleemo saarkan.