AMISOM oo Dhacdooyin Halis ah ka Fulisay G.Shabellaha Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan  Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in Ciidamada AMISOM Madaafiic la beegsadeen Beero dad shacab ah ku leeyihiin Gobolkaasi.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku geeriyootay oo kala ahaa Aabo iyo 2 caruur ah oo uu dhalay iyo weliba sidoo kale Duunyo halkaas ku sugneed.

Mid ka mid ah Dadka Deeganka u sheegay  shaaciye24 in ay la yaaban yihiin sababta dhul beereedkooda Ciidamada AMISOM u soo weerareen.

Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer dad shacab ah dhibaatooyin kala duwan ugu geystay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhacdooyinka noocaani ah oo kale ayaa inta badan ciidamada AMISOM waxaa ay a fuliyaan Guud ahaan Magaalada Muqdisho.