AMISOM oo ku dhawaaqday qorsho halis ku ah Xarakada Al-Shabaab.

Ugandan peacekeepers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) patrol inside Banadir hospital in Somalia's capital Mogadishu, August 20, 2011, where malnourished children are housed in the facility. Thousands of internally displaced people have been making the treacherous journey from the worst-hit drought areas, mostly under the control of rebels, to Mogadishu to seek access to food and medication. REUTERS/Ismail Taxta (SOMALIA - Tags: MILITARY DISASTER POLITICS HEALTH)

Qaar ka mid ah Taliyeyaasha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka la dagaalanka Shabaab ee AMISOM Istiraatiijadooda waxbadan laga badan ,islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in ay dhawaan qaadaan howgalka ka dhan Al-Shabaab oo la doonaayo in looga saaro degaanada ay gacanta ku hayaan.

Waxaa sidoo kale kulanka ay yeesheen Saraakiisha ciidanka AMISOM looga hadlay sidii loo xoojin lahaa tababarada la siiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka AMISOM ayaa sheegay in ciidanka AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay si wadajir u wada shaqeyn doonaan.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in uu ku amaanaayo howgalada ay wadaan ciidanka AMISOM iyo sidoo kale geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya sida ay uga qeyb qaateen ciidanka AMISOM .