Amisom oo War ka soo saartay ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Somaaliya

Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya u jooga Howlgalka nabad ilaainta ayaa waxa ay sheegeen in ay sugi doonaan amniga doorashada Madaxtinimo iyo Mida Gudoonka Baarlamaanka ee la filayo in dhawaan dalka ay ka dhacaan,

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalinta AMISOM Francisco Kitana Madera ayaa sheegay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen sugidda amniga xilliga Doorashada.

Waxa uu sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan sidii Soomaaliya ay uga dhici laheyd Doorasho loo mideysan yahay.

Danjire Francisco oo ka hadlay weerarada Shabaab ayaa sheegay Shabaab in ay weeraro ka geysan karaan goobaha Doorashada balse dhankooda ay ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Shabaab.

Ugu dambeyntii Francisco Kitana Madera Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya in aysan saameyn ku yeelan doonin Doorashada Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Midowga Afrika ee Amisom ayaa ku soo beegmaya xili Ciidanka Itoobiya ay dhawaan bilaabeen in dalka ay isaga baxaan