Amisom sheegtay in Weerarkii ka dhacay Duleedka Kismaayo ay ku dileen Saraakiil Shabaab ah

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60 -km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkaan oo dhacay shalay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la beegsaday Saldhig ciidamada Shabaabka ay ku lahaayeen deegaanka Cabdala Biroole ee duleedka Kismaayo.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM  ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab kuwaa soo tiradooda lagu sheegay 3 dagaalyahan.

“Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo AMISOM waxaan ku dilnay saddex ka tirsan Al-shabaab” ayuu yir Joe Kibate afhayeenka AMISOM.

Dhanka kale war lagu daabacay warbaahinta Al-Shabaab ayaa looga hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa sheegay ay in jidka u galeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo sidoo kale ciidamo Mareykan ah  , islamarkaana ay la galeen dagaal xooggan.

Maamulka Jubbaland wali faahfaahin kama bixin weerarka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya.