Amisom’Waan ka hor tageynaa weerarada Alshabaab ay damacsanyihiin inay Fuliyaan Xiliga Doorashada.

Kulan ay isugu yimaadeen saraakiil ka socota AMISOM, xafiiska Midowga Afrika iyo xubno kale oo dhacay magaalada Muqdisho, ayaa wax looga hadlayay sidii loo sugi lahaa amniga xilliga ay dhaceyso Doorashada dalka oo ku beegan Bilaha soo socda ee September iyo October.

Ku xigeenka Ergeyga Midowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan haweyneyda la yiraahdo Lydia Anuoto ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in laga hortago in ururka Al-shabaab caqabad amni aysan ku noqon Doorashooyinka lagu wado Soomaaliya in ay ka dhacaan.

Taliyaha ciidanka AMISOM Osman Nor Subagle ayaa sheegay hadii ay yihiin ciidanka AMISOM in ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga Muqdisho iyo goobaha kale ee ka dhaceyso doorashada.

Al-shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay weeraro ku ekeyaan goobaha la filayo inay ka dhacaan doorashada.