Ancelotti Oo War Xun Uu U So Yeeray! Robert Lewandowski Oo Seegaya Kulanka Caawa Ee Bayern Munich & Real Madrid

Bayern Munich ayaa waxaa soo wajahay dhabarjab xoog leh iyadoo gooldhaliyahooda ugu sareeya Robert Lewandowski uu seegaya kulanka weyn ee Real Madrid ay la ciyaarayaan caawa sida ay qoreen wargeysyada Jarmalka iyo Spain ka soo baxa ee Bild iyo Marca.

Weeraryahanka reer Poland ayaa awoodi waayay inuu ka soo kabsado dhaawacii uu ka qabay garabka midig, mana ka qeyb qaadan doono kulanka Allainz Arena ka dhacaya caawa oo Arbaco ah.

Weeraryahanka Jarmalka Thomas Muller ayaa booskiisa buuxin doona.

Lewandowski ayaa la bedelay kulankii ugu danbeeyay ee ay la ciyaareen Borussia Dortmund ka dib markii ay isku dhaceen goolhaye Burki taasoo keentay in rigoore loo dhigo.

Dhakhaatiirta kooxda Bayern Munich ayaa go’aansaday inaysan halis gelinin weeraryahanka oo aan la ciyaarsiinin lugta hore, iyagoo ka doorbiday inuu taam buuxda u noqdo kulanka lugta labaad ee Santiago Bernabeu.