Arsenal Diyaar uma Ahayn ciyaartii furitaan ka ee xaalay….Arsene Wenger Oo ka hadlay Guuldaradii Xalay Kooxdiisa Kasoo Gaartay Liverpool

Arsenal ayaa la kulantay guuldaradii ugu horeysay xili ciyaareedka cusub markii ay Emirates ku sooreen dhigooda Liverpool kulan xiiso lahaa, jamaa hiirta Jurgen Klopp ayaana 3-4 dhagta ciida u daray wiilashii Wenger, basle macalinka reer France ayaa ka hadlay guuldarada kasoo gaartay kooxda ka dhisan gobolka Merseyside.

Gunners waxey gudoontay guuldaro qaraar oo kasoo gaartay koox ay xifaaltamaan, waxeyna arintaan sii murjineysaa xaaladdaa dag ee u dhaxeysa tababare Wenger iyo Jamaahiirta kooxdaan kuwaas oo dhamaadkii ciyaartaba ku oriyay kooxdooda.

Wenger

Gunners waxay ciyartay kulenkedii furitanka ayada oo ay ka maqan yihin ciyaar yahanada qadaka dhexe  – qaarna kalena ay ka  bexeen garoonka ayagoo dhaawacan.

” Kooxdeyda  Jir ahaan uma diyaarsaneen”

” Ma ahayn diyaar waayo ciyaartoy badan ayaa kasoo dahady tababarka oo ku maqnaa EURO ku waasoo wax joogay – Aaron Ramsey, Ozil, Koscielny, Giroud, waxy  aadeen semi-finalka (uguyaran).”

Macalin Arsene Wenger oo Sheagy in Arsenal ay diyaar u ahayn xili ciyaaredkeda cusub – mana garanayo markay diyaar noqon donto.

Si kastaba macalin Arsene Wenger ayaa aaminsan iney soo rogaal celin doonaan isla markaana aysan aheyn in laga argagaxo guuldaradii Liverpool kaga timid.