Arsenal Oo Aan Tix Gillin Dariskooda , Xilli Sanchez Uu Sedex Gool Garoonkooda Kaga Cayriyay Tageerayaasha West Ham , 5/1 Ayay Ku Soo Garaaceen

Arsenal ayaa soo bandhigtay heer ciyaareed wacan waxaana ka go`naa in ay keenaan goolal waliba natiijada ka dhigaan mid dhankooda u janjeerta

Arsenal ayaa fursado badeynd waana laga filan karay halka West Ham ku adkeyd in kubadda ku jiidaan goosha Arsenal

Arsenal oo ka faa`ideysay kubadda oo lugtooda ku badneyd ayaa heshay gool daqiiqaddii 24-aad waxaana u saxiixay Ozil

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in ozil uu goolkaas uu u yahay kiisii 28-aad ee uu u dhaliyo kooxdaas dhamaan tartamada tan iyo markii uu Real Madrid uga yimid

Arsenal isku dayo kal duwan ayay muujiyeen qeybihii kale balse West Ham inkastoo niyad jab aysan qaadin hadana daafac ayay jireen waxaana nasiinada lagu aaday halkaas gool ee Arsenal

Soo laabashadii , biloowgii waxa ay Arsenal iska qasaariyeen labada fursad doo goolal noqon karay waa ayna ka dhaq dhaqaaq wacnaayeen West Ham inkastoo kooxda martida loo yahay ay mararka qaar kubadda la qeybsanayeen Arsenal.

Ka dib dhacdoyinkaas , West Ham kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen waxaana daalkaas waday Payet xilli laba fusrad laga bad baadiyay oo midkood goolhayaha Arsenal ayaa u diday waana laga filan kaary goolka bar bar dhaca

Qeybihii dhexe , waxa ay ciyaarta aheyd mid labada dhinac u furan wax aana soo bandhigayeen kubad weeraar oo lagu raaxeysto

Payet ayaa wacdro u dhigaya West Ham waxa ayna labada koox ahaayeen kuwo laga filan karay goolal waxa ayna Arsenal badalkoodii ugu horeeyay sameeyeen daqiiqaddii 65-aad xilligaas oo ay soo giliyeen Ramsey oo loo badallay Walcott

West Ham inkastoo kubad weerar ah waday hadana waa loo dib maray waxaana lagu keenay gool labaad waxaana ka dhaliyay Alexis Sanchez daqiiqaddii 72-aad kaasi oo dhex jiiray daafaca West Ham ah

Ka dib goolkaas ,West Ham waa laga dhaq dhaqaaq wacnaa gool 3-aadna waa laag filan karaan sidas sameeyay Alexis Sanchez kaasi oo kuabd xooggan ku laaday goosha West Ham daqiiqaddii 80-ad

Waxaana markii uu goolkaas u dhashay la arkayay qaar ka mid ah taageerayaasha West Ham balse duab gool ayay heleen ka dib Free ZKikxc uu laadya Payet aya ku dhacday birta goosgha Arsenak waxse madaxa ku celiyay oo shabaqa dhigay Carroll daaqiiqaddii 83-aad balse gool 4-aad waxaa West Ham ugu daray Alex Oxlade-Chamberlain daqiiqaddii 84-aad

Ka dib goolkaas , waxaa soo sicday bandhigii goolasha Arsenal waxaana sedexeystay Alexis Sanchez daqiiqaddii 86-aad, waxa ayna guud ahaan ciyaarta ku dhamaatay 5/1 oo ay Arsenal guusha ku raacaday

a222

a33333