arsenal oo mushaar kordhin usamesan xidig katirsan waa kee?

Alex Iwobi ayaa wadada u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Arsenal kaliya lix bilood ka hor markii uu saxiixay qandaraaskiisii ugu danbeysay.

Da’ yarkaan ayaa saxiixay bishii April qandaraas uu isbuucii ku qaadanayo 25 kun ginni laakiin waxa uu haatan wadada u saaran yahay in loo kordhiyo taasoo hoosta ka xariiqeysa inuu si rasmi ah uga mid noqday xilli ciyaareedkan kooxda koowaad.

20 jirkaan reer Nigeria ayaa soo jiitay madaxda sarre ee kooxda iyo tababare Arsene Wenger isagoo horumar degdeg ah sameynaya, waxaana lagu abaalmarin doonaa mushahar kordhin weyn iyo qandaraas kale oo loo kordhiyo haddii uu horumarkiisa sii wado.

Iwobi waxa uu ka mid ahaa sheekooyinka guulaha ee Wenger ee ugu danbeeyay, waxaana ay Arsenal dooneysaa inay muddo dheer ka saxiixdo isagoo qaadanaya mushahar u qalma ka mid ahaanshihiisa kooxda koowaad.

Gunners ayaa sidoo kale wadahadalo qandaraas kordhin ah la fureysa Hector Bellerin iyadoo haatan ay Manchester City si gaar ah u xiiseyneyso daafaca midig.

Wenger ayaa rajo ka qaba sidoo kale inuu qandaraas cusub ka saxiixo Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez.
download