Askari ka Tirsan Ciidamada Dowlada oo Ku dhintay Dagaal beeleed ka dhacay Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay hal  askari  oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay  inuu maanta ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay dhanka galbeed ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo wata ciidamada maamulka iyo ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa kala dhex galay ciidamo beeleed ku dagaallamayay dhul buuraley ah oo ku yaalla galbeedka Hiiraan.

Masuul ka tirsan hirshabelle ayaa  sheegaya in askari ka tirsanaa ciidanka dowladda uu dhintay intii la kala qaadayay labada malleeshiyo beeleed.

Malleeshiyooyinka ayaa la kala geeyay labo bar oo loo cayimay in aynaan isku soo dhaafi Karin.

Xaaladda ayaa hadda deggan islamarkaana ciidamadii dowladda iyo kuwii AMISOM ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baladweyne.