Atletico Madrid Vs. Leicester City

Atletico Madrid waxa ay kulan aad u adag ku soo dhaweyn doontaa sideed dhamaadka Champions League-ga kooxda gabi’ahaanba ku cusbeyd tartanka ee Leicester City.

Atleti waxa ay isha ku haysaa in ay gaarto Fiinaalaha Champions League-ga markii labaad oo xiriiira iyo markii saddexaad muddo afar sano ah.

WARARKA LABADA NAADI

– Filipe Luis and Gabi kulankii ugu dambeeyey ee Champions League-ga ganaax ayey ku seegeen balse markan waa diyaar

– Jose Gimenez hal diiwaan galin ayuu u jiraa ganaax

– Diego Simeone waxaa la filayaa in uu ka maqnaado Augusto Fernandez, Tiago, Miguel Angel Moya iyo Sime Vrsaljiko halka Kevin Gameiro iyo Nicolas Gaitan shaki ku jiro iyaga

-Is bedel badan lagama filayo safkii bar bar dhaca 1-1 la soo galay Real Madrid

Leicester

-Wes Morgan wali dhaawac ayuu ku maqan yahay, taas waxa ay ka dhigan tahay in Benalouane uu gaashandhigga dhexe ku wehelin doono Robert Huth

– Robert Huth, Wilfred Ndidi, Islam Slimani iyo  Jamie Vardy dhamaan min hal diiwaan galin ayey ganaax kulanka dambe ah u jiraan

– Craig Shakespeare is bedelo badan ayuu safkiisa ku sameeyey kulankii Everton ee ay guuldaradda 2-4 la kulmeen waxaa soo laaban doona Riyad Mahrez, Danny Simpson iyo Wilfred Ndidi

-Waa la arki doonaa in Shinji Okazaki iyo Islam Silimini ay duullaanka ku wehelin doonaan Jamie Vardy iyo in kale

RAADRAAC

-Atletico bar bar dhac ayey Real Madrid la soo gashay kulankii ugu dambeeyey ee ay ciyaartay (La Liga) kahor is aragan iyada iyo Leicester

-Waa markii ugu horreeysay ee ay Leicester Champions League-ga isku arkayaan

-Leicester City guuldarro 4-2 ayey Everton kala soo kulantay sabtidii xilli ay isha ku hayeen kulankan Champions League-ga

-Waa markii ugu horreeysay ee ay sideed dhamaadka Champions League-ga timaado

-Atleti waa kooxda saddexaad eek u jirta sideed dhamaadka Champions League-ga

-Leicester waa kooxda qura ee England ku matalaysa sideed dhamaadka

SAFAFKA LA FILI KARO

Gegida: Vicente Calderon

Saacadda Geeska Africa: 9:45Pm

Dhex dhexaadiyaha: Jonas Eriksson (Sweden)