DHAGEYSO:Axmed Cali Daahir ‘Talaabo adag ayee dowladu ka qaadi doontaa Ganacsatada alaabaha dhacay ka soo dajiya dekada’

Axmed Cali Daahir  oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin adag waxa uu udiray ganacsatada Somaaliyeed  ee badeecooyinka kala duwan uga soo degto Dekada muqdisho.

Waxa uu Axmed Cali Daahir sheegay in aysan aqbali doonin alaab dhacday iyo kuwa aan tayadooda wanaagsaneyn la keeno dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka  Axmed Cali Daahir oo sii hadlay ayaa waxaa uu sheegay  in Hay’adaha Dowladda ay koontorooli doonaan waxyaabaha laga so dajiyo Dekeda Muqdisho isla markaana cidii keenta alaabo dhacay sharciga lala tiigsan doono siduu hadalka udhigay .

Waxaa uuna ugu dambeyn ganacsatada Somaaliyeed ugu baaqay inay u hogaansamaan awaamiirta dowlada isla markaana ogolaadaan in lala xisaabtamo.

Shalay ayay ahayd Markii Dekeda Muqdisho lagu soo Bandhigay Daawooyiin la sheegay in ay dhaceen kuwaasi oo la doonaayay in la geeyo Xarumaha Caafimaad ee Dalka.