Axmed Daaci oo Sheegay in Dhaqaalaha G.Banaadir loogu ololeynayo Shaqsiyaad gaar ah.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow Daaci ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dhaqaale ku bixinaayo qaar kamida musharixiinta aqalka hoose ee Hirshabelle kuwaas oo uu sheegay in ay dana gaar ah ka leeyihiin.

Axmed daaci ayaa carabka ku adkeeyay in lacagihii loogu tala galay hormarinta adeegyada ay u baahan yihiin dadka gobolka Banaadir hada lagu bixinaayo sidii shaqsiyaad xildoon looga dhigi lahaa xildhibaano.

Sidoo kale Waxaa uu Sheegay in Xiligan Dalka uu gali karo Marxalad Adag,Taasi oo Sababteeda ay iska leeyihiin Ururka Damul jadiid.

Musharixiin Badan ayaa Xiligan Waxaa ay ololo ka wadaan Guud ahaan Soomaaliya,iyagoona Bilaabay Dadaalo lagu doonayo in Shaqsiyaad gaar ah Xilal looga Raadiyo.