Baarlamaanka Somaaliya oo Maanta kulmaya

Mudanayaasha  Baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigooda uu yahay mid sii dhamaanaya , ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku yeelan doonaan xarunta Golaha Shacabka ee maagalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay xildhibaanadu uga hadli doonaan   arimo dhowr ah oo horyaala Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin su’aalo ay mudanayaashu  weydiinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii wuxuu ka sheegay in Isniintan maanta ah xildhibaanada fursad loo siin doono in ay su’aalo weydiiyaan Gudoonka Baarlamaanka.

20-kii Bishan ayuu ku ekaa Baarlamaankan marka sida sharciga ah loo eego balse Gudoomiye jawaari ayaa sheegay in Baarlamankan uu sii shaqeyn doono ilaa Baarlamaanka cusub laga soo doorto.