Baarlamaanka Somaliland oo laalay heshiiskii saddexda Xisbi Ee kordhinta tirada Xubnaha Guddiga doorashada.

Golaha Wakiillada ee Maamulka Somaliland ayaa maanta laalay heshiis dhawaan ay galeen saddxda xisbi ee Somaliland kuwaas oo ku heshiiyay kordhinta tirada Xubnaha Guddiga doorashada Somaliland.

Saddexda Xisbi ayaa ku heshiiyay in xubnaha Guddiga doorashada laga dhigo 9 xubnood,waxaana ay sidoo kale isla oggolaadeen in heshiiskooda la horgeeyo Baarlamaanka.

Kulankii saaka oo uu shir guddoominayay Baashe Maxamed Faarar Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in heshiiska xisbiyada ay laaleen islamarkaana xubnaha guddiga doorashada noqonayaan 7da xubnood ee ay markii hore ahaayeen.

DHinaca kale Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa markii uu soo xirayay kulanka waxaa uu ku dhawaaqay in Baarlamaanku uu galay fasax 45 Cisho ah.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa dhawaan shaaciyay in aysan qaban karin doorashada Golaha degaanka iyo midda wakiillada waqtiga oo ku yar darteed waxaana ay sheegeen in mar 6aad muddo kordhin loo sameeyay Wakiillada.