Banaadir Oo Riggoorayaal Kaga Badisay Kooxda Kubada Cagta Ee Jeenyo————-

Kooxaha Jeenyo  iyo Banaadir  ayaa isaga hor yimid kullanka kala baxa ah ee Sper Cup-ka ee loo dhigo kooxaha kala qaada Koobabka Horyaalka iyo kan Jen.Daa’uud.

Jeenyo ayaa soo qaaday koobka Janeraal Daa’uud  halka Banaadir  ay kusoo guuleysatay horyaalka Soomaaliya,

Ciyaarta ayaa ku billaabatay si dar dar ah waxaana  u suura gashay in Jeenyo ay qabato hoggaanka ciyaarta iyadoo gool ka heshay xiddiga weerarka ee Shaarkeey.

Kooxda Banaadir ayaa isku deyday in ay la timaado goolka bar baraha balse ma aysan noqon waxaana qeybtii hore lagu kala nastay  1-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, ayaa labada kooxood waxa ay halkooda kasii wadeen  bandhiga qurxoon iyadoo qeybihii dambe ee ciyaarta kooxda Banaadir la timid goolkii bar baraha waxaana u ansixiyay xiddiga Marcel, iyadoo ciyaarta kusoo dhamaatay 1-1.

Labada kooxood ayaa lagu kala saaray gool ku laad, waxaana 3-2 ku adkaatay kooxda Banaadir Sports Club, waxaana la gudoonsiiyay koobka Super Cup-ka Soomaaliya.

Daawo Sawiro Xul Ah Kulankii Shalay Ee Banaadir Sport Club Iyo Jeenyo

WQ. ismaciil cabdi ibrahiim { sanka }

????????????????????????????????????

labada

walee

taago

sss

kulankii

kl

kkkk

jeenyp

hhh

garsoorka

banaadir1

banaadir-8

banaadir-7

banaadir-6

banaadir-4

banaadir-2

adaa

adee

xul