Banaanbax Balaaran oo Maanta ka Dhacaaya Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho Manata waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo Boobka kenya ay ku dooneyso in ay ku sameyso Badda Soomaliya.

Dibad Baxaan waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir Waxaana ka qeyb galaya shacab fara badan oo ka kala imaanaya degmooyinka gobolka Banaadir.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaaya waxaa sidoo kale ka qeyb galaaya Shacab badan oo ka kala imaanaya dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta Muqdisho u Sheegay in Dibad baxaan uu ka dhici doono Barxada weyn ee Daljirka Daahsoon ee Muqdisho .

La soco Wararka ku soo Kordhaa Insha allah