Bantikonka Mareykanka oo Shaaciyay in Duqeyn ay ku Dileen Hogaamiyihii Dacish ee Afgaanistaan

War ka soo baxay Dawladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Hogaamiyihii Daacish u qaabilsanaa dalka Afganistaan Xaafid Saciid Khaan lagu dilay duqeyn Cirka oo loo adeegsaday Diyaarad aan duuliye wadin.

Afhayeen u hadlay Bantikonka Mareykanka,ayaa sheegay in Saciid Khaan uu ku dhintay Duqeyn laga fuliyay gudaha Afganistaan bishii tagtay, balse ma uusan carabaabin goobta ama degaanka lagu dilay.

Weerarkan lagu dilay Hogaamiyaha Daacish ee Afkanistaan, ayaa  ku soo aaday iyadoo Saddex maalin kor weerarkii ugu weynaa ay kooxda Daacish ee  xaqjirka ah ka fulisay gudaha dalka Afganistaan, kaasi oo galaaftay nolasha in ka badan 80 qof, halka 230 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sanadkii hore ayay aheyd,  markii Sirdoonka Mareykanka ay shaaciyeen in  Saciid Khaan ku dhintay weerarka Cirka ah oo ay geysatay Diyaarad bilaa Duuliye ah, balse ururka isku magacaabay Dawla islaamiya uu beeniyay isla markaana sheegay in hohaamiyahooda uu weli nool yahay.