Barcelona oo indhaha ku heysa Xidig Da’yar ka tirsan kooxada Man united

xidigaani D’yarka ah oo qadka dhexe uga cayaara kooxda Man united oo la yiraahdo Gomes ayaa waxaa si aad ah u xiiseybeyso naadiga caanka ah ee ka dhisan dalka Spain ee la la yiraahdo Brc

Wakiilo ka socdo naadiga Brc ayaa la dhacay asagoo tusay indhaha caalamka inuu yahay xidig mustaqbal ku leh ciyaarista kubada cagta.

Gomes ayaa kabtan loogaaga dhigay xulka Ingiriiska ee da’dooda ka hooseysa 17 ka sanno horaantii xilli ciyaareedkan, waxa uuna qandaraaska uu kula jiro kooxda ka dhisan Old Trafford dhacayaa xagaaga 2018 ka.

Mirror ayaa dhankeeda daabacday in Jose Mourinho uu doonayo inuu lasoo saxiixdo Antoine Griezmann kaasoo la damacsan yahay inuu ku badalo booska uu baneynayo Wayne Mark Rooney oo keyd ka galay kooxda United ka.

Gudoomiyaha United ka Ed Woodward ayaana doonayo inuu markale qarash badan suuqa geliyo waxa uuna 80 Milyan oo ginni ku qarash gareyn doonaa soo xero gelinta xidiga weerarka ugu ciyaara kooxda Atletico de Madrid.