Barlamanka Somaliya oo kulan Deg-Deg ah ku leh Muqdisho

Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeelan doona fadhi Deg-Deg ah kadib wixii ka dambeeyay fasaxii ay galeen bishii Ramadan.

Waxaan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay maanta ka shiri doono iyadoo dalka uu u diyaar garoobayo doorashooyinka guud.

Xubnaha Barlamaanka ayaa nijad jab xoogan ka muujinayo awoodihii baarlamaanku lahaa oo laga maarmay ka dib markii xeer madaxweyne lagu ansixiyey go’aamadii madasha qaran ee habka doorashada iyo dhismaha gudiyada doorasho ee heer gobaleed iyo midka qaran ka dib markii xubnaha golaha shacabka qaran ay ku dhaganayeen mudo nidaamka doorashada iyo gudiyada qaran ee madasha qaran kulamadoodii ka soo baxay balse looga kaaftoomay xeer madaxweyne.

Barlamaanka ayaa waxaa u harsanaa sharciyo dhowr ah oo laga doonayay inay meel mariyaan ka hor inta uusan dhamaan xiligooda balse weli ma cada in ay dhameystiri doonaan howlaha horyaala iyo shurucda qabyada ah ee aan weli la ansixin.

Wixix kusoo kordha Kulanka Baarlamanka Ama looga hadlo dib ayaa isinkala socod siin doonaa