Baska Kooxda Real Madrid Waxaa Garoonka Allainz Arena U Galbin Doona Boliis Iyadoo Amaanka Ciyaarta Aad Loo Adkeeyay

Boliiska federaalka ee Munich ayaa saaka ku warbixiyay inaysan jirin halis muuqata oo carqaladeyn karta kulanka caawa Allainz Arena ku dhexmaraya kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid.

Si kastaba, waxaa sarre loo qaaday talaabooyinka dhanka amaanka ah ka dib qaraxyadii ruxay baska kooxda Borussia Dortmund markii ay xalayto ku sii jeedeen garoonka Signal Iduna Park.

Baarayaasha ayaa haatan xiray shaqsi ka mid ah labo qof oo looga shakiyay inay falkaas ka danbeeyeen, waxaana sarre loo qaaday boliiska soo xaadiraya garoonka Allainz Aena caawa iyadoo markii hore la geyn lahaa 370 askari laakiin haatan waxaa laga dhigay 450.

Eeyaha uriya walxaha qarxa oo baari doona baska Real Madrid
Inkastoo sarre loo qaaday ilaalinta amaanka, hadana Real Madrid ayaa iyadana dhankeeda sarre u qaaday ilaalinta ciyaartotydooda. Sida ay qortay El Pais baska kooxda u qaadi doona garoonka ayaa waxaa si adag u baari doona eeyaha uriyaha waxyaalaha qarxa iyo dadka ku takhasusay arimahaas ka hor inta aysan bilaabin safarkooda shanta kiiloomitir ee ay ku tagayaan garoonka marka ay ka baxeen huteelka ay degan yihiin.

Markii ugu horeysay booqashadooda Jarmalka, Real Madrid ayaa waxaa garoonka u galbin doona boliis. Ciyaartoyda waxaa lagula taliyay inaysan fariisanin kuraasta xigta dhanka muraayadaha baska, sida ay qortay El Mundo Deportivo si looga fogaado dhacdadii uu ku dhaaacmay Marc Bartra shalayto.

Ciyaartoyda Madrid waxaa shalayto huteelka Hilton Park u soo galbiyay boliis ka dib markii ay tababar ku sameeyeen garoonka Allainz Arena.