Bastian Schweinsteiger Ayaa xaaskiisa Ka Yaabisay Madaxweynaha Cusub Ee Mareynkanka Donald Trump————

Gabadhii hore ciyaarta tennis-ka Ana Ivanovic taasoo mar noqotay hormuudka tartanka French Open ayaa noqotay mid caan ka ah dunida, balse waxey ku guuleysatay iney ujeedka safarkiisa ilowsiiso mid ka mid ah dadka ugu quwada weyn dunida xiligaan waana Donald Trump oo loo doortay madaxweynahii 45-aad ee dalka USA.

Trump waa taageeraha ugu weyn ee gabadhaan isagoo aad u amaanay Ana Ivanovic oo u dhalatay dalka Serbia haatanna ah xaaska ciyaariyahanka gabowga ah ee Manchester United Bastian Schweinsteiger.

70-jirka reer Mareykan ayaa sanadkii 2013 booqday dalka Serbia si uu madaxweyne ku xigeenkii waqtigaas ee dalka Serbia ugala hadlo arimo maalgashi ganacsi ah, balse wuxuu la kulmay Ana Ivanovic oo uu u tixgeliyo gabadha ugu quruxda badan dunida.

Madaxweyne ku xigeenkii hore dalka Serbia haatanna ah Wasiirka Arimaha dibadda dalkaasi Ivica Dacic ayaa ka sheekeynaya sida uu Donald Trump uga mashquulay ujeedkiisa safar si uu u amaano Ana Ivanovic.

“15-daqiiqo ayey ku qaadatay kaliya inuu ka hadlo arimaha Ana Ivanovic iyo sida ay u tahay gabadha ugu quruxda badan dunida ama gabadhaha tenis-ka ciyaara midooda ugu quruxda badan”

Gabadha 29-jirka ah ee reer Serbia ayaa la kulantay Donald Trump 2014 iyadoo barta twitter-ka soo dhigtay sawir ay la gashay maalqabeenka reer Mareykan ee haatan sida waalida ah loogu codeeyay inuu madaxweyne u noqdo mid ka mid ah dalalka ugu awoodda badan caalamka.

Saxaafadda Gudaha dalka Serbia ayaa weydiiyay Ivica Dacic sababta ku qasabtay inuu Donald Trump sidaas dhan ugu amaano Ana Ivanovic, wuxuuna ugu jawaabay in Donald uu xiiseynayay quruxdeeda.

 

WQ. ismaciil cabdi ibrahim { sanka }

anna

dd