Bayern Munich iyo Real Madrid oo markoodii 17-aad caawa isku wajahaya Champions League…(Yaa badis badan?)

Muruq waynta Yurub ayaa caawa markii 17-aad fooda isku dari doona tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Bayern ayaa mininkiida ku marti galin doonta Madrid lugta hore ee wareega sideed dhammaadka Champions League.

Sida ay u xoog wayn yihiin uma kala xoog badna labada kooxood oo 16-kii kulan ay horey isku soo arkeen waxaa 8-jeer adkaatay kooxda Bayern Munich halka Real Madrid ay adkaatay 7-jeer, hal jeerna bar-baro ayay galeen.

Munich iyo Madrid ayaa markii ugu horreysay isku arkay tartanka koobka dhaga waynaha kal ciyaareedkii 1999-2000, Los Blancos ayaana beerka looga dhacay berigaa oo waxaa lugtii hore lagu soo tumay 4-1 halka lugta labaadna loogu awood sheegtay 4-1.

Toni Kroos, Arjen Robben iyo Xabi Alonso oo kulanka caawa qeyb ka ah ayaa isku soo maray labada kooxood oo u soo wada ciyaaray, ku darso tirada markii ugu dambeysay ay labadan kooxood wada ciyaaraan Champions League waxaa Real Madrid hor kacayay tababare Carlo Anceloti laakiin caawa waa macallinka Bayern Munich.