Bayern Munich Oo Allianz Arena Ku Xasuuqday Borussia Dortmund, Carlo Ancelotti & Wiilashiisa Bavaria Oo Ku Raaxaystay Kulanka Germany Ugu Wayn Ee Der Klassiker Iyo Guushan Oo Real Madrid Digniin U Ah.

Bayern Munich ayaa Allainz Arena si xun ugu xasuuqday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Borussia Dortmund waxayna kooxda Ancellotti muujisay sida ay koox kasta dhibaato wayn ugu gaysan karto marka martida loo yahay. Bayern Munich ayaa 10 dhibcood ku qabtay hogaanka horyaalka ay koobkiisa iska yeelatay ee Bundesliga.

Robert Lewandowski ayaa kulankan laba gool ka dhaliyay si uu u ugaadhsato kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund halka Ribery iyo Robben ay min hal gool dhaliyeen. Guushan ayaa kooxda Ancelotti ugu soo beegantay xili ay isku diyaarinayso kulanka xili ciyaareedkeeda ugu wayn ee Champions Leaque-ga ay la ciyaari doonto Real Madrid.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BAYERN MUNICH(4-2-3-1): Ulreich; Lahm, Martinez, Boateng, Alaba; Alonso, Vidal; Robben, Thiago, Ribery; Lewandowski.

KAYDKA:  Hummel, Douglas Costa, Rafinha, Bernat, Starke, Coman, Kimmich.

DORTMUND (3-4-3): Burki; Ginter, Papastathopoulos, Bartra; Passlack, Castro, Guerreiro, Schmelzer; Pulisic, Aubameyang, Dembele.

KAYDKA: Weidenfeller, Bender, Sahin, Mor, Rode, Merino, Piszczek.

Daqiiqadii 4 aad ee bilawgii kulankan waxaa Bayern Munich albaabka goolasha u furay  Franck Bilal Ribéry kaas oo goolkiisii ugu horeeyay ka dhaliyay Dortmund tan iyo sanadkii 2009 kii waxaana caawinta goolkan sameeyay xidiga ay Bayern Munich dhamaadka xili ciyaareedkan u ooyi doonto ee Philipp Lahm waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Bavaria xili horeba hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Daqiiqadii 10 aad  Robert Lewandowski ayaa markale ugaadhsaday kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund oo uu hadda iska ilaaway in uu mar ka soo ciyaaray wuxuuna goolkan ka dhaliyay meel goolka Dortmund u jirtay 25 yards si uu Ancelotti u siiyo goolka kalsoonida waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Bayern Munich hogaanka si deg deg ah ugu dheeraysatay.

Daqiiqadii 20 aad Borussia Dormtund ayaa heshay goolka kaliya ee ay kulankan ka dhalisay waxana goolkan oo u muuqday in uu ciyaarta wax ka badali doono dhaliyay  Raphaël Guerreiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali Bayern Munich hogaanka ciyaarta ku hayso. Xamaasada kulanka Der Klassiker ee Germany ugu wayn ayaa markan sare u kacday.

Bayern Munich ayaa fursado aan tiro lahayn abuuraysay inkasta oo Dortmund lafteedu ay fursado abuurtay basle awooda sare ayay Bayern Munich si wayn uhaysatay waxaana lagu kala nastay 2:1 ay kooxda Ancelotti hogaanka ciyaarta ku haysay.

Daqiiqadii 49 aad ee bilawgii qaybtii danbe ee kulankan waxaa goolka uu kulankan uga qalmay helay Arjen Robben kaas oo bandhig fiican samaynayay wuxuuna caawin ka helay saaxiibkii ay waqtiga dheer soo wada shaqeeyen ee  Franck Bilal Ribéry kasa oo isna kulankan saamayn wayn ku yeeshay waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Bayern Munich hogaanka ciyaarta ku sii dheeraysatay.

Daqiiqadii 67 aad xaalada Borussia Dortmund ayaa musiibo sii noqotay kadib markii uu goolhaye Burki qalad rekoodhe ku galay Robert Lewandowski kaas oo inta uu kubbada qaatay si fiican u dhamaystiray si uu u dhaliyay goolkiisii labaad ee kulankan iyo waliba goolka afraad ee ay Bayern Munich xaalada ugu sii xumaysay Dortmund.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:1 ay Bayern Munich ku xasuuqday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Borussia Dortmund oo kulankan waji gabax wayn kala kulantay. Guushan wayn ayaa kalsooni buuxda siinaysa Bayern Munich ka hor kulanka Champions Leaque-ga ee Real Madrid. Haddii ay Madrid babraro la gashay kooxda ay caasimada ku xifiltamaan ee Atletico Madrid ayay kooxda Ancelotti jajabsatay Borussia Dortmund.