Bbc Oo Dooratay Naadiga Isbuuca Ee Horyaalka Primer League————-

Chelsea ayaa xajisatay todobaadkaan hogaanka horyaalka Ingiriiska markii ay guul weyn ka gaartay Manchester City oo ay ugu martisay Etihad Stadium, sidoo kalana waxaa farxad weyn u aheyd in Liverpool ay ku kufto garoonka Vitality Stadium ee kooxda Bournemouth.

Kooxda kaalinta labaad ee horyaalka haatan waa Arsenal oo leh 31-dhibcood kuwaas oo 1-5 ku xasuuqay West Ham, kaliya 3-dhibcood ayeyna ka hooseeyaan wiilasha Antonio Conte.

Si kastaba khabiirka BBC-da Garth Crooks ayaa shaxdiisa shan ka mid ah ka siiyay labada kooxood ee Chelsea Iyo Arsenal waxaana Blues shaxdaan uga soo muuqday Thibaut Courtios, David Luiz Iyo Diego Costa, halka Gunners ay shaxdaan ku yeelatay Nacho Monreal Iyo Alexis Sanchez.

Gareth McAuley ayaa kasoo muuqday daafaca shaxdaan taasoo ku saleysan (3-4-3), waxaana sidoo kale kula lamaan ah xiddiga Stoke City Muniesta kaas oo wacdaro dhigay kulankii ay kooxdiisa 2-0 kaga adkaatay Burnley.

Dhanka kale Kyle Walker ayaa isna kasoo muuqday shaxda kadib markii uu gacan weyn ka geystay xasuuqii ay kooxdiisa u geysatay Swansea City todobaadkaan, sidoo kalana McArthur oo Crystal Palace ah iyo Fraser oo Bournemouth ah ayaa sidoo kale kasoo muquday.