Beelaha Ay kasoo Jeeedaan Xildhibaanada lagu Dooranayo Jowhar oo Warbaahinta loo soo Bandhigay

shaxda_jowharGuddiga doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar shir saxaafadeed ay ku qabteen waxa ay kusoo bandhigeen Shaxda wajiga koobaad Xildhibaanada la filayo in dhawaan lagu doorto magaalada Jowhar.

Wajiga koobaad ee Doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ka bilaabato 16-ka bishan, waxaana kuraasta hore ee la dooranayo ku tartami doona Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, Wasiiro iyo siyaasiyiin caan ah.

Magaalada Jowhar ayaa la filayaa in lagu doorto Xildhibaano gaaraya 37-Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Xildhibaanada Jowhar lagu dooranayo la saadaalinayaa in ay u badnaan doonaan Xildhibaanadii hore.