Beesha Caalamka Ayaa sheegtay inay bixiyeen dhaqaalihii ay ugu tala galeen doorashada Soomaaliya

 Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay bixisay dhaqaalihii ay ugu tala galeen Doorashada lagu wado in ay dalka Ka dhacdo bisha October ee soo socota.

 

War kasoo baxay  Qaramada Midoobay, Midowga Afrika , Midowga Yurub , Urur goboleedka IGAD , Boqortooyada Ingriiska , Mareykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay bixiyeen dhaqaalihii loogu tala galay Doorashada Soomaaliya 60% si loo sii ambaqaado howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay muhiim tahay in hore loo sii wado howlaha doorashooyin, isla markaana aan lagu mashquulin waxyaabaha dib u dhac ku keeni kara doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada, waxayna ku taliyeen in doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha in ay muhiim tahay inay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xubnaha Beesha Caalamka ee lacagta bixiyay ayaa sidoo kale waxa ay codsadeen in doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.

“Waa muhiim in ay Shaqadu bilaabato si doorashadu ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Michael Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay galeyso marxalad kala duwan, sidaas darteedna loo baahan yahay in si wada jir ah looga qeyb qaado howlaha doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay la shaqeyn doono dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso Doorashada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ayaa horay isugu hayay dhaqaalaha ku baxayay doorashada, waxaana dowladda ka codsatay inay bixiyaan bixiyaan dhamaan qarashka ku baxaya doorashada.