Beesha Caalamka oo mar kale ku baaqday Dowlad-gobaleedyadda inay soo dhamaystiraan qoondada Haweenka ku leeyihiin Aqalka Sare ee Barlamaanka.

War-qoraal oo ay si wadajir ah u soo sareen QM, Midowga Europe, Midowga Afrika, IGAD iyo dowladaha Maraykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa ka hadlay Tallaabadda bishan 8-dii iyo 9-dii ku soo gudbiyeen Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Saaxiibadda Caalamiga ee Somalia waxay soo dhaweeyeen go’aanka ay Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka ku dhowrayaan Sharciga iyo Ballanqaadyadda ay Hoggaamiyayaasha Soomaalida sameeyeen.
Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyeen Tallaabadda ay Maamul-gobaleedka K/Galbeed ku soo dhamaystireen Koontadda Haweenka ku leeyihiin Aqalka Sare.
Dhinaca kale, Beseha Caalamka waxay si xooggan u taageereen Guddiga Doorashada Dadban ee Heerka Federalka oo ay 48-ka saacadood ugu qabteen inay Maamul-gobaleedyadda Galmudug, Puntland iyo Jubbaland dib u soo dhamaystiraan Liiska xubnaha u matali doona Aqalka Sare, kuna saleeyaan Jadwalka Shaqo ee ay ku heshiiyeen Madaxd Madasha Wada Tashiga Qaranka ee NLF.
Saaxiibadda Caalamka ee Somalia oo ka kooban Hay’addo iyo Dowlado taageero siiya Somalia, waxay ka digeen inaan dib-u-dhac kale lagu samynin Jadwalka ay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federalka u dejiyeen Doorashooyinka Somalia.