Biyo la’aan ka jirta deegaanno Gado ka tirsan

Deegaanno gobolka Gedo ka tirsan ayaa waxaa ka taagan oon iyo biyo la’aan baahsan oo dadka haysta.

Deegaanka Garileey oo ku yaala xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa hada lagu soo waramaya in biyaha looga dhaamiyay gudaha dalka Kenya.

Gudoomiyaha deegaanka Garileey Aar Maxamuud Maxamed ayaa u waramay weriyaha BBC ayaa u sheegay in dadka ku dhaqan ay aad iyo aad u haradsanyihiin oo mesha aysan leheyn ceel biyood roobabkii xiligana inuusan halkaa si wanagsan ugua di’in.

Gudoomiyaha wuxuu intaa ku daray in ay biha u doontaan wajeer gobalka waqooyi bari dalka Kenya oo biyahaa ay ku keenaan booyado oo qaab ganacsi ugu yimadaan.