44 shirkadood ku yaal magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, ayaa maanta Booliska Turkiga hawlgal baaris ah ku sameeyeen, iyagoo haysta amar ah inay soo qabtaan 120 masu’uliyiin ka tirsan shirkadahaasi oo lagu tuhumayo inay dhaqaale ku taageereen wadaadka Fathullahu Gollan oo isagu lagu eedaynayo inuu abaabulay Inqilaabkii dhicisoobay oo bishii tagtay ka dhacay dalka Turkiga.
Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Turkiga ANADOL,ayaa sheegtay in shirkadahaasi lagu tuhumayo inay dhaqaale maaliyadeed u fidiyeen wadaadka baxsadka ee ku sugan dalka Mareykanka Fathullahu Gollan.
Wakaaladdu ma ay carabaabibin magacyada 44kaa Shirkadood oo Boolisku maanta baarista ku sameeyeen, waxaana weli Turkigu ka socodaa Oloolihii lagu baadi goobayay dadkii kalinta ku lahaa Afgenbigii Miletery ee fashilmay oo la doonayay in Xukunka looga tuuro Dawladda hadda jirta.
Tan iyo markii Inqilaaabkaasi fashilmay waxay Ciidamada Turkiga ay qabteen 35kun oo qof oo 17kun ka miid ah qaraar rasmi ah xabsiga loogu taxaabay, iyadoo Tobanaan kun shaqaale ahna shaqada laga joojiyay.