Booliska wadanka Bangaladhesh ayaa dilay rag looga shakisan yahay in ay ka danbeyeen wareerkii maqaayad kutaal casimada Dhaka bishii tagtay.

Booliska Bangaladhesh ayaa weerar ku qaaday guri ay ku jiraan dadkii ka danbeyey falkii lagu laayey dadkii maqaayada magalada casimada ee Dhaka  bishii ina dhaaftay banaanka casimada wadankaas.

Dadkan la radinayey ayaa waxay ay ka danbeyeen wararkii qasaaraha geystay ee ka dhacay casimada wadankaas ee Dhaka was oo lagu dilay dad gaaraya 22 ay maxbuus ahaan ugu qabsadeen gudaha maqaaxidaa.

Booliska ayaa sheegay in ay dileen sedex ruun uu ku jiro nin ay si loogaga shakisan yahay in uu ka danbeyey wareerkaas ninkaas oo dhalasha ahaan haysta Bangladeshi-Canadiankaas oo magaciisa lagu sheegay Tamin chowdhury.

Sida uu u sheegay sarkaal Boolis ah wakaalada wararka ee AFP in ay arkeen meydka sedexdan ruun oo uu ku jiro ninkii sida weyn loo baadi goobayey.

Wararka ayaa waxa ay shegayaan markii ay halkaa gareen xoogaga la dagaalanka argagixisaday iyo danbiyada iyo cutub ka tirsan booliska aaga uu ku yaalo gurigaa lagu tuhmayey in ay ku dhumalaysanayaan NARAYANGANJ SADAR raggii ka danbeyey dhacdadii ka dhacday maqaxidii magalaada casimada ee Dhaka subaxnimdii sakay ee Sabtida, in durbadii ay rasaasi ka soo rideen ilinka hore ee gurigaas ka dibna ciidamada ayaa bilaabay in ay toos u abaaran guriga kadinba ay halkaa ku dilaan ragii ku jiray guriga, waxay intaa ku dareen saraakiisha poliska in ay hada barayaan hida sidaha DNA ragaas si loo xaqiijiyo.