Bournemouth Vs Liverpol : Kooxda Klopp Waligood Guul Darro Kalama Kulmin Wiilasha Bournemouth

Qadka dhexe Liverpool ee Adam Lallana waa uu ku soo laabtay tababarka ka dib markii uu ka soo kacay dhaawac bowdada ah waxaana la filayaa in kulankaanuu ku lug yeesho

Philippe Coutinho ayaa ka maqan kulankaan maadaama 5 todobaad uu garoomada ka maqnaanayo ka dib dhaawac dhawaan gaaray halka Sturridge isna maqan yahay balse waxaa laga yaabaa in Roberto Firmino uu safto kulankaan

Xogta Kulanka

* Liverpool waligood guul darro kalama aysan kulmin kooxda Bournemouth dhamaan tartamada tan iyo markii kulankoodii ugu horeeyay ay yeesheen sanadkii 1927-kii,

* Booqashadii ugu horeysay Liveprool ee garoonka Bournemouth waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii hore iyadoo bishii April ku soo badiyay 2/1

* Bournemouth ayaa guul dareystay 3 kullan oo qeybka ah afartoodii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka balse hal kullan uun ayay qasareen 5-tii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay garoonkooda ku ciyaareen , sedex badis iyo hal bar bar dhac ah ayay ka haystaan

* Liverpool ayaan guul darro la kulmin 11 kullan oo horyaalka ah , 8 waa badiyeen halka sedexna ay galeen bar bar dhac

SHAXDA MACQUULKA AH:

Bournemouth (4-2-3-1): Federici; Francis, Cook, Ake, B Smith; Gosling, Arter; A Smith, Wilshere, Stanislas; Wilson.

Liverpool ( 4-3-3): Karius; Milner, Lovren, Matip, Clyne; Wijnaldum, Henderson, Lallana; Firmino, Origi, Mane.

Kulanka: Bournemouth v Liverpool

Garoonka: Vitality Stadium

Waqtiga 4:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Robert Madley